Konfur galbed oo Amartay in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada deegaanadeeda

March 18, 2020 (Awdinle Online) –Wasiirka wasaarada wàxbarashada dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Yuusuf Hassan Waalid ayaa ku wargeliyey goobaha waxbarashada deegaanada koonfur galbeed in muddo 15 maalimood la fasaxay goobaha waxbarashada sababa la xariìra cudurka Coronovirus

Xalay ayay ahayd  ka dib markii amarkii baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus. Ila maanta inta badan magaalada Muqdisho waxaa ku dhaqan galay amarkaas.

Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus.

Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale xalay shaaciyay in  dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda cudurka Coronavirus, dhammaan dalka oo dhan.

Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com