Madaxweynaha KG Oo Tababar Usoo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta gareen)  ayaa tababar u soo xiray askari ka tirsan ciidamada  Xooga Dalka Qeybta 60aad , oo muddo  Tababarka Ciidan ugu socday magalada baydhabo .

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay goobta munaasabada ka dhacaysay ayaa u sheegay cutubyadan ka tirsan ciidanka xoogga in ay u diyaar garooban gadaal ka dhan kooxda al-shabab.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dhibaataynta  shacabka.

Madaxweyne  lafta gareen ayaa hoosta ka xarriiqay in Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda deeganada konfur galbed .

“Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga  deeganada, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Uk oo  daddaalka ku bixiyay tabarka ciidankan

“Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad  saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda uk  sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.”

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Safiirka ingiriiska ee soomaaliya iyo Wasiirka  Wasaaradda amniga gudaha konfur galbed  Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xooga dalka , Taliyaha Ciidanka xooga dalka qaybta 60 aad , Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 60 aad  iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.