RW Kheyre oo fariin uu ka wadey MW Farmaajo u gudbiyey Abiy Ahmed

March 18, 2020 (Awdinle Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul  Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Kheyre ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya gaarsiiyay fariin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan walaacii Itoobiya ka muujisay codeyntii Soomaaliya ee qaraarkii Jaamacadda Carabta horgeysay Masar ee ahaa mowqifka Masar ee muranka ka taagan Biyo xireenka Wabiga Nile ee ay Itoobiya sameystay

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.