Xukuumada Soomaaliya oo dhaqaale u raadinaysa Coronavirus.

March 18, 2020 (Awdinle Online) –Ilo kala duwan ayaa Awdinle Online u sheegay u Dowlada Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixinayo in ay dhaqaalo u hesho ka hortaga Coronavirus isla markaa Qaramada Midboobay iyo Bangiga aduunka ay kala hadashay in lacago lagu taageero ka hortaga Caabuqa Coronavirus.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa wadahadal kula jirta Beesha Caalamka iyo hay’adaha lacagta aduunka si ay dhaqaalo ugu hesho Xakamaynta Xanuunka Coronavirus oo ku dhuftay inta badan Wadamada Caalamka.

Ilahaan oo diiday in Magacooda la xigto ayaa sidoo kale Mustaqbal u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay balanqaadyo ka heshay dhowr hay’adood oo Caalimiya si wax looga qabto Caabuqa Corona oo kiiskiisa u horeeyay talaadadii laga helay Soomaaliya.

Dowladda waxa ay wada hadallo kula jirtaa hey’adaha dhaqaalaha adduunka  si ay uga hesho taageero dhaqaale oo lagu kabo midka dowladda kula tacaaleyso COVID19” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

Xasan Cali Khayre Wasiirka 1-aad ee Xukumada Faderaalka ah ayaa arbacadii warbaahinta u sheegay in Dowladda 5 Milyan oo Dollar u qoondeysay la dagaallanka cudurka COVID19,isla markaana loo baahanyahay  lacago dheeraad ah oo wax looga qabto faafitaanka Xanuunkaan.

Ra’iisul wasaare  Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,waxa uuna gaareen Magaaladda Adis Ababa, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayaan Madaxda dalka Itoobiya.

Bilyineerka u dhashay Shiinaha sidoo kale  aas-aasaha shirkada Alibaba, Jack Ma, ayaa shaaciyey in maaskaro, qalabka tijaabada iyo dharka ka hortaga uu ugu deeqayo dalalka uu saameeyay Coronavirus ee ku yaalla Afrika.

Bilyineerka ayaa sheegay in deeqdaasi uu wadamada Afrika loo marsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu u gaaray Itoobiya si Soomaaliya ula wareegto qaybta ay ku leedahay deeqdaasi.

Hay’addiisa gargaaka ee Jack Ma Foundation ayaa bixin doonta 1.1 milyan oo qalabka tijaabada ah, lix milyan oo maaskaro ah iyo 60-kun xabo oo dharka hortaga iyo gaashaanka wejiga ah, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Jack Ma.Illaa iyo haatan, Afrika waxaa laga xaqiijiyey 300-kiis oo Corona ah, iyaddoo Masar ay tahay waddanka ugu badan, 110 kiis baa ka jira,30 dal oo Soomaaliya ay kamid tahay ayuu gaarey cudurka.

Kaalmada uu maalqabeenka u balanqaadey dalalka ay kamid tahay Soomaaliya ee ku yaala Afrika ayaa imaaneysa xili uu taakuleyn taas lamid ah uu u sameeyay Mareykanka, Yurub iyo Jamhuuriyadda Iran.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com