Hawiye Qarnigii 21aad Dhamaadkiisa Ayaa Lagu Jiraaye Fadlan Hurdada Ka Toos.

March 21, 2020 (Awdinle Online) –Waan Ka Xumahay In Barteyda wabsaydkayga  In Aan Kusoo Qoro Magac Qabiil Soomaaliyeed, Mana Laiga Baran Halaiga Raali Ahaado, Laakiin Sabab Aan Ugu Dhiiradey Ayaa Jirta, Markaan Arkey Xildhibaano Soomaaliyeed Iga Aqoon Badan, Iga Waaya Aragsan, Iga Xasaanad Badan, Hadana aan Ka Xishooneynin Magac Qabiil Ayagoo Xildhibaano Qaran Ah, Aniga Maxaa Ii Diidaya In Khaladkooda Aan Ka Jawaabo.

Soomaaliya Waxaa Ay Ka Kooban tahay 18 Gobal, Gobal Aysan Soomaalidu Wada Deganeyn Majiro, Laakiin Qabiil Ahaan Waa Lagu Kala Badnaan Karaa.

Sida Uu Qabo Dastuurka KMG Ah Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Soomaaliya Waxey Wax Ku Kala Qeybsataa 4.5 Kaas Ayaana Jiraayo Ilaa Aan Ka Heleyno Dastuur Dhameystiran Oo Soomaali Ay Ku Heshiiso.

2012-kii Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Kadib Soomaaliya Waxaa Ay Qaadatey Nidaam Federaal Ah.

Somaliland & Puntland Marka Laga Reebo 4-ta Kale Waxaa La Dhisey 2014-kii Wixii Ka Danbeeyey.

Sigaar Ah Markaan Ugu Soo Laabto Maamulka Koonfur Galbeed Waxaa La Dhisey 17-kii November 2014-kii.

Nin Ree Koonfur Galbeed Ay Wada Garanayaan Siyaasada Soomaaliyana Dilaal Ka Ahaa, Ayaa Soo Dhisey Baarlamaankii 1aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Wuxuuna Ka Dhigey (Lugtaa-galooy) AMA (Yaa Dhiman) Waana Dhibaatada Hada Taagan Asal Ahaan Meesha Ay Ka Imaatey.

Intaas Waa Taariikhda Saxda Ee Aan Wada Garaneyno Dhamaanteena.

Marka Aan Usoo Laabano Ciwaankeygi Hore Ee Ahaa Hawiye Marna Iska Dhici Marna Kala Dhici.

Maamulka Koonfur Galbeed Waxaa Uu Ka Arimiyaa 3-da Gobal Ee Kala Ah, Baay, Bakool, Shabeelada Hoose, Sida Ay Wada Garaneyso Soomaali Maxamed Meelkasto Ay Dunida Ka Joogto Sedexdaas Gobal Waxaa Degan Digil & Mirifle.

Hawiye Walaalow Soomaalinimo Ayaan 9 Xubnood Kuu Siiyey, Fadlan Waan Kula Talinaa Joog Towfiiqda Haiska Qaadin, Wax Badso Wax Beel Ayey Leedahay.

9-ka Xildhibaan Ee Lagu Siiyey Deegaan Ahaan Laguguma Siin, Soomaalinimo Ayaa Lagugu Siiyey Waad Riyooneysaaye Riyada Ka Bax.

Hawiye Magaalada Mogdisho Waan U Simanahaye Aaway Awood Qeybsigii Digil & Mirifle ?.

Hawiye Hirshabeele Waan Wada Deganahaye Aaway Awood Qeybsigii Digil & Mirifle ?.

Hawiye Galmudugta Aad Asal Ahaan Kasoo Barakacdeen Ganacsi Ahaan & Deegaan Hadii La Dhaho Dadkeyga Ayaa Kaaga Badane Aaway Awood Qeybsigii Digil & Mirifle ?.

Hawiye Qarnigii 21aad Dhamaadkiisa Ayaa Lagu Jiraaye Fadlan Hurdada Ka Toos.

Hawiye Dib Iskugu Noqo Gaalkacyo Ayaa Laidin Kala Qeybshey Idinka Iyo Puntland Fadlan Hainagu Qasbina In Caasimadii Ummadda Soomaaliyeed La Inoo Kala Qeybiyo.

Hawiye Doontii Siyaasada Qarnigan 21aad Waad Ka Harteene Fadlan Doonta Qarniga 22aad Haka Soo Harina.

Arin Qabiil In Aan Ka Hadlo Ma Jecleyn Laakiin Waxaan Jecleystey In Aan U Jawaabo Runtana U Sheego, Xildhibaan Mahad Salad, Xildhibaan Ahmed Moalim Fiqi, Cali Yare Cali (Cali Cooker) Iyo Inta Lamid Ka Ah.

Waxaan Maqli Jirey Dhib Qabe Intuusan Hadlin Dheef Qabe Ayaa Hadlaaya.

Mahadsanidiin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com