Qaramada Midoobay oo si xoog leh u Bogaadisay Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho

March 21, 2020 (Awdinle Online ) – Xafiiska jimciyadda Quruumaha la dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweyne Deni uga dhawaaqay magaaladda Garoowe we xarunta maamulka Puntland.

Qoraal aad u kooban oo lagu qoray barta twitterka UNSOM, ayaa lagu sheegay in la sugayo kulanka dhexmaridoona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, si loo sii ambaqaado howlaha muhiim ah iyo danaha qaran dalka Soomaaliya.

Beesha caaalamka ayaa horey ugu baaqday dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah in ay si deg deg ah iskugu yimaadaan si xal looga gaaro kala duwanaashaha u dhexeeya, heshiis buuxana looga gaaro qorshayaasha qaranka ee la rabo in la gaaro sannadkaan iyo sanadka soo socda bilowgiisa 2020/2021.

Booqasho uu dhowaan Garowe ku tagay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire James Swan wuxuu madaxweynaha Puntland ku booriyay inuu ka qeyb qaato sidii Soomaaliya sanadka 2021 uga dhici lahayd doorasho hal qof, hal cod.