Safiirka Soomaaliya ee Cumaan oo iska diidey u yeeriddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda kuna tilmaamay meel fowdo ah

March 21, 2020 (Awdinle Online) – Wakhti lagu qiyaasay hal bil ayaa ka soo wareegatay markii warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu yeeray Safiiradda Soomaaliya u fadhiyay dalalka Cumaan Cabdiweli Jeylaani.

21-kii bishii hore ee February ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqado u kala dirtay labada Safiir ee Soomaaliya u kala fadhiyay Cummaan Cabdiweli Jeylaani, iyadoo loo qabtay in muddo afar cisho uu dalka ku soo galo.

Hase ahaatee Safiirka Soomaaliya ee Cumaan Cabdiweli Jeylaani ayaa mudada loo qabtay ku imaan Karin waayey, iyadoo la sheegay inuu iska diidey oo aanu u hoggaansamin amarka u yeeritaankii Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ahaa inuu dalka ku soo galo muddo 4 cisho ah.

Sidoo kale Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Cumaan, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda iyo Qunsulka Guud ayaa la sheegay inay u hoggaansameen amarka Wasaaradda, iyadoo mudadii loogu tala galay ku yimid dalka si loo xaliyo khilaafaad dhaliyey gacan ka hadal, waxaana ay muddo bil ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee xaruunta Wasaaradda.

Danjire Cabdiweli Jeylaani ayaa saddex jeer oo kale loo yeeray aanu dalka imaan, ka dib markii ay dacwado ka gudbiyeen Diblomaasiyiinta Safaaradda ay ka wada shaqeeyaan oo kasoo sheegey in xadgudub shaqo iyo gabood fal uu ku kacay.

Saraakiisha sar sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u sheegay ayaa inoo xaqiijiyey markii u horeysay oo Safiirka loo yeeray ay aheyd 19 bishii December 2019, sidoo kale 6-dii bishii January 2020 ayaa sidoo kale loo yeeray, intaasna kama soo jawaabin, iyadoo mar kasta oo culeys uga yimaado Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu adeegsanayay si culeyska looga furo dhinacyo kala duwan oo gudaha dalka ku sugan, kuwaasoo saameyn ku leh siyaasadda dalka.

Waxaa la tilmaamayaa in Danjire Cabdiweli Jeylaani uu isticmaalayo awoodaha Guddoomiye ku-xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudeey iyo Agaasimaha Hay’adda Wardoonka ee NISA Fahad Yaasiin oo ay isku heyb yihiin, waxaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Safaaradda ay aaminsan yihiin in Danjiruhu buurta uu ku tiirsan yahay ay tahay mas’uuliyiintaasi