Wasiir Ka Tirsanaa konfur galbed Oo Iska Casilay Wasiirnimadii

Wasiirkii Aden Hassan Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka konfur galbed Somaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa uu iska casilay xilkii wasiirnimo.

Aden Hassan ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu ka tegay shaqadii Wasiirka Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka konfur galbed Somaliya .

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa fecebook ayuu ku sheegaya is casilaadisa

Bismilaahi Raxmaani Raxiim,

Laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 21/03/2020 waxaan warqadda Ciscasilaadayda u gudbiyey Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) xilkii wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka DGS.

Waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Madaxweynaha oo fursadaan isiiyey inaan ugu adeego Shacabka Reer Koonfur Galbeed garabna igu siiyey sidii aan u gudan lahaa Waajibaadkayga Shaqo, waxaan kaloo rabaa inaan u mahadceliyo Shaqaalaha Wasaaradda oo ugu horeeyo Agaasimaha guud iyo dhammaan Hay’adihii soo wada shaqaynay.

Ugu dambayn waxaan reer Koonfur Galbeed Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis iyo shacabka Reer Koonfur Galbeedba u rajaynayaa Horumar, Nabad iyo Barwaaqo.Aden Hassan.