Dhageyso :-Dhaarinta Xildhibaanada konfur galbed Oo La Shaaciyay

Waxaa maalinta bari oo isniin ah xarunta Baarlamaanka konfur galbed lagu dhaarin doona Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka konfur galbed,kadib markii Guddiga Farsamada khamiistii  ay soo bandhigeen liis ay ku qoran yihiin magacyada sagaashan iyo shan xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka konfur galbed .

khamiistii la soo dhaafay lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 95 mudane.

Munaasabadda dhaarinta waxaa qeyb gali doona madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbed , mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamulka iyo marti sharaf kale ,taasi oo ka dhacaysa xarunta Baarlamaanka konfur galbed ,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada konfur galbed .

xildhibanada cusub ee Baarlamaanka KGS ayaa ah kii 2-aad ee lagu dhaariyey magaalada baydhabao ee caasimada KMG Konfur galbed.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa dooran doona  guddoomiye KMG ah waxana loo dooran doona  Xildhibaanka ugu da’da weyn ilaa laga soo doorto guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah.

Mudanayaasha Golaha wakiilada konfur galbed  ayaa la filayaa in dhawaan ay doortaan guddoomiye cusub,iyadoo intaasi kadibna loo gudbi doono kalfadhiyada barlamank mamulka.

Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa baarlamanka cusub waxay samaysan doonan doonan kalfadhigiisa ugu horeeyay, waxaana shir gudoomin doona  guddoomiyha ku meel garka ah ee ay doorteen xildhibaanada ilaa iyo inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.

Diyaar garow ku aadan doorashooyinka guddoomiyaha ayaa si weyn looga dareemayo deegaanada konfur galbed ,iyadoo ay jiraan musharixiin badan oo u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Ammaanka xarunta Barlamaanka Maamulka konfur galbed  ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xiray wadooyinka soo gala xaruntaasi.