Taliyaha Booliska Degmadda Afgooye iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

March 22, 2020 (Awdinle Online) – Qarax goor-dhow ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada booliska degmada Afgooye.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.

Lama oga cidda ka danbeysa dilka taliye Nunow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee inta badan qaraxyada ka dhaca aagaas ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaa.