Wasaarada Caafimaadka KG oo dignin u dirtay xarumaha caafimadka gobalka

March 22, 2020 (Awdinle Online) –Wasaaradda Caafimaadka KGS Oo Soo saartey Warsaxaafadeed ayaa Xaruumaha Caafimaadka Gobolka Kamamnuucdey inaysan Baari karin Wax Laxiriira Kiisaska Cudurka Coronovirus .

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka konfur galbed somaliya ayaa ayaa digniin u dirtay xarumaha caafimadka gobalka bay ka howl gala .

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka konfur galbed ayaa waxaa lagu sheegay in Xaruumaha Caafimaadka Gobolka laga mam nuucay  inaysan  Baari Karin Wax Laxiriira Kiisaska Cudurka Coronovirus .

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in Kaliya Wasaaradda Caafimaadka Oo Kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Baari Karaan Caabuqa COVID-19.

Marka la joogo siyaasadda caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaa jirta oraah aad u caan baxday oo tiraah “Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daweeynta”. Tan ayaa u muuqata in ay tahay midda nolosha dad badan badbaadin karta, kana hortagi karta walaaca iyo cabsida aan loo baahneyn ee Soomaaliya ka jirta.

Ka hortaga waxa uu u baahan yahay marka u horreysa xog xaqiiqda ku saleysan oo waqtigeeda la joogo, taas oo ay si dhow u la socoto waxqabadyo siyaasadeed oo jiheysan oo si gaar ah loogu talo galay dalalka soo kabanaya sida Soomaaliya oo leh adeeegyada iyo kaabayasha caafimaaadka ay aad u hooseeyaan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com