Mamulka degmooyinka Gobolka Gedo oo Isbedel lagu sameeyey

March 23, 2020 (Awdinle Online) –Cismaan Nuur Macalimow Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Gedo ahna kusimaha guddoomiyaha  ayaa waxaa uu xilalkii ka qaadey qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo iyo kuxgeenadooda,isaga oo mas’uuliyiin kale Magacaabey.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Gedo ayaa waxaa xilalka looga qaadey guddoomiyeyaasha degmooyinka,Luuq, Beled-Xaawo iyo Doolow,iyada oo la Magacaabey Guddoomiyeyaal Cusub iyo kuxigeenadooda.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com