Dhageyso :-Ganacsatada baydhabo oo Digniin loo diray

March 26, 2020 (Awdinle Online) –Shir Jaraa,id ee uu maanta qabtay xuseen keerow  Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybta gobalka bay  ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada magalada baydhabo  in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka COVID 19.

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qybta golkbaay xuseen keerow  ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed ee magalada baydhabo  oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah. 

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ay hareer fadhiyeen xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Rugta Ganacsatada iyaga oo kawada hadlay sidii looga hortagi lahaa qiimo koror ku yimaada Maciishadda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada ka dalbaday in aysan qiimo koror ku sameyn maciishadda inta lagu guda jiro qorshaha looga hortagayo faafidda Caabuqa Coronavirus.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com