Dhageyso :-Madaxweyne Lafta-gareen  oo war ka soo saaray marxaladdii deyn cafinta Soomaaliya

March 26, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa boggaadiyey guulaha laga gaaray barnaamijka deyn cafinta, kadib markii ay Soomaaliya shalay buuxisay maraxaladii koowaad.

IMF iyo Banka Adduunka ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ayaa dhameysay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo.

Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhoweeyey  heerka uu gaaray xiriirka iskaashi ee DF iyo hay’adaha maaliyadeed ee adduunka.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ), ayaa Shir Jaraa’id xafiiska ku qabtay Waxuu uga hadlay guusha shacabka Soomaaliyeed uga soo hoyatay iyo wadadii loo soo maray deyn cafinta.

Dowladda dhexe ayaa ka go’an  in meel sare ka gaarto dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com