Muqdisho: Qof labaad oo laga helay caabuqa Coronavirus

March 26, 2020 (Awdinle Online) –Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in kiiskii labaad ee Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiyo Abiirkar Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay warbaahinta ayaa sheegtay in qof cudurka laga helay uu dhowaan ka yimid dalka dibaddiisa.

Dr Fowsiyo ayaa intaasi ku dartay in la Karantiilay qofka laga helay xanuunka , islamarkaana xaaladdiisu ay la socon doonto dowladda Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya qofka labaad ee laga helay Coronavirus uu ka mid yahay dhalinyaradii saaraakiisha ciidanka ahaa ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga, kuwaas oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la socday muwaadinkaan Soomaaliyeed saddex kale oo labo todobaad ka hor lagu Karantiilay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dowladda federaalka oo dhowaan Shiinaha kala wareegtay qalab looga hortago COVID19 ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo faafintaanka cudurkaasi.

Tallaabada muhiimka ah ee ay sidoo kale dowladdu qaaday waxaa ka mid ah go’aankiii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah iyo kii lagu xiray goobaha waxbarashada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com