Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed  oo yeeshay kalfadhigoodii  uga horeeyay

March 28, 2020 (Awdinle Online) –Magaalada baydhabo ayaa maanta  waxaa kulan ku yeeshay   xildhibaanada baarlamaanka maamulka  Galmudug , kadib markii xildhibaanada lagu wargeliyay inay soo xaadiraan fadhiga baarlamaanka maamulkaasi.

Fadhiga Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa shir guddoominayay  Guddoomiyaha Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Hassan Abdinor Adan  Aalbaro.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga guddiga diyaarinta doorashada guddoonka baarlamaanka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha .

Kulanka maanta ee ay iskugu yimaadeen golaha baarlamaanku ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 93 mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ku Meel Gaarka Hassan Abdinor Adan  Aalbaro, waxaa uu halkaasi ka akhriyey qodobo muujinaya  ajandaha shirka iyo arrimaha hor-yaalla wakiillada ee ay maanta ka doodayaan.

1Apriil ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed ayadoo ilaa iyo hada aan jirin musharax isu soo is taagay qabashada Guddoomiyaha  baarlamaanka.

Waa marki ugu horreysay oo xildhibaanada cusub ee  baarlamaan konfur galbeed yeeshan kulan  noocaan ah .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com