MADAXWEYNE LAFTA-GAREEN OO FARRIIN KU AADDAN Covid-19 U DIRAY SHACABKA KOONFUR GALBEED  

March 28, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) wuxuu u shacabka somaliyed gaar ahaan kuwa konfur galbed wuxuuna ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowlad Goboleedkiisa ilaalinta badqabka caafimaad deeganada uu ka arimiyo .

Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan oo caalamka ka mid ah

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqay in dad ay la wadaagto fariimoyin badan oo ku saabsan  caabuqa  (Covid-19).

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta Wasaaradda  ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa faray mamulkiisa in ay dar-dar gelyaan  tallaabooyinka iyo qorshayaal looga  hortagayo cudurkan.

Sidoo kale, Madaxweyne Lafta-gareen  ayaa ku adkeeyey dadka Soomaaliyeed in ay joogaan guryahooda, xil weyna ay iska saaraan badqabka naftooda iyo bulshadooda.

Madaxweynaha ayaa  ugu baaqay shacabka in la joogteeyo ilaalinta fayo-dhowrka oo ay ugu muhiimsan yihiin dhiqidda gacmaha, yareynta

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com