Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Geeriyooday

April 01, 2020 (Awdinle Online) – War hada nasoo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyadda Ingariiska uu Maanta ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaano Nuur Cadde.

Dr. Nuur Cadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu la xanuusanaa oo ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay ku geeriyoodeen kumanaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali.

Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa oo la hadlay warbaahinta.