Wadamadda ku Bahoobay Madasha Paris Club oo 1.4 Bilyan oo Doolar ka Cafiyey Soomaaliya

April 01, 2020 (Awdinle Online) – Shir qaatay sacaado oo khadka internetka ee loo yaqaano (Video Telle-Conference) ku dhexmaray Howlwadeeno uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay madasha Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Dalalkan ku bahoobay Madasha Paris Club ayaa ugu horeyn bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hanaanka loo losoo gaabiyo HIPC.

War-saxafadeed ka soo baxay Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay bahwadaagta Paris Club in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doolarka Mareykanaka ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beeyle ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay dalalka ku bahoobay Madasha Pris ay qeyb deyntooda uga cafiyeen Soomaaliya

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Wadamada Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa  goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Talaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa kusoo aaday todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.