Banaanbax ka dhacay baraawe oo lagu taageeray doorashadii guddoonka Baarlamaanka Koonfur galbeed:-(Sawiro)

April 2, 2020 (Awdinle Online) –Magaalada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose  waxaa manta ka dhacay Banaanbax ballaaran oo lagu taageeray gudoonka Baarlamaanka Koonfur galbeed .

Boqolaal shacab ah oo isugu jira Haween, Caruur, Odayaal iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada baraawe , iyagoona banaanbaxooda ku taageeray gudoonka Baarlamaanka oo  arbacadii shalay  lagu doortay baydhabo.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee baraawe, iyagoona ku qeylinaya Erayo ay kusoo dhaweeynayen gudoonka cusub, waxaana banaanbaxa ka qeyb qaadanaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Magaalada baraawe.

1 april Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacay doorashada Guddoonka  Baarlamaanka Koonfur Galbeed .

Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxa uuna helay 83  Cod Dr Fiqi Fadhiga Baarlamaanka  waxaa soo xaadiray   93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com