Doorasho Daboolan iyo Damac aan Dhamaanin!

Sida aan la wada soconno ma jirto dhaqdhaqaaq ama ifafaale doorasho. Wali ma cadda qaabka ay doorashadu u dhici  doonto, dad badan oo siyaasadda Soomaaliya   falanqeeya  waxa ay leeyihin ma dhici doonto doorasho, kuwa qaar wax ay leeyihin waa ay dhaceysaa doorasho, laakin waxa ay noqonaysaa doorasho  aan xor iyo xalaal aheyn.

Waxaan cadeyn doorshada qaabka ay noqon doonto, ma deeggaan doorasho ayey noqon doontaa?  mise saxiixayaashii  Oday dhaqameedka  ayey noqon doontaa? mise ergooyinkii 2016 kii qaab u eg ayey noqon doontaa? . Waa arrinta kaliya oo lagu  wareersanyahay dhalina doonta foolkaane siyaasadeed hadii sida ay ku socoto ay ku sii socoto.

Marka loo fiiriyo in aysan qeyb ka aheyn saamileeydda siyaasadeed ee la rabay in ay qeyb weyn ka noqodan hannaanka doorashada Soomaaliya ay u dhici doonto oo la wada ogalyahy in ay bannaanka ka taaganyihin madaxda xisbiyadda siyaasadeed iyo maamul gobaleedyada qaar oo aan qeyba ka aheyn ama aan ogeyn doorshada nuuc ay noqon doonto la rabin in laga talo siiyo.

Dalal badan oo caalamka ah Waxaa ka socodo doorasho qof iyo cod ah ayaado ay jirto dhibaatada cudurka coronavirus “Covid 19”. Dalalka doorashadu ka socoto waxaa ka mid ah Faransiiska iyo Mareykanka, Halka dalalka Afrika qaarkood oo uusan aan weli sameeyn weyn ku yeelan cudurkas ay doorashooyinkii  dib u dhigeen.

Dalalka doorashadooda dib loo dhigay wax ka mid ah Uganda iyo Itoobiya, dalalkas oo aysan ka jirin dimuqraadiyad, marka la fiiriyo Uganda 30 sano ka badan waxaa dalkas xukuma hal Madaxweyne oo dalka ku qabsaday xukun militari, halka Itoobiya weli uu ka jiro xukunka ciidanka oo dahsoon oo afka kaliya aya laga sheegaa in dalku yahay dimuquraaddi.

Dalkeena Soomaaliya waxaad moodaa in nidaamkii dimuqraadiyada meel looga dhacayo oo la rabo in xukunka xoog lagu joogo, taasi oo keeni karta dhibaato hor leh oo dalka galin karta xaalada deganasho la,aan mid hada ka jirto ka sii weyn, sidee looga hor tagi karaa arimahas aan kor ku soo xusay? waxaa looga hor tagi karaa in la sameeyo nidaam doorasho oo loo wada dhanyahay, keeni karin mugdi, lagu wada qanacsanyahay waa mid kaliya uu nidaamka hada jiro oo qori isku dhiibka ah uu ku sii shaqeyn karo.
Hadii  lagu heshiiyo doorashada wax ay noqon doontaa mid lagu kala doorto  shaqsiga hogaamin karo dalka afarta sano oo soo socota.

W/Q Mohamed Ali Ahmed
Email: canshuur1@gmail.com