Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo u ruqaansaday Gobolka Jubada Dhexe

3 April,  2020 (Awdinle Online)–Sida ay Awdinle Online u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Gobolka Gedo, Ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo wata gaadiid dagaal waxa ay ka baxeen Degmada Luuq, iyaga oo u ruqaansaday Gobolka Jubada Dhexe oo degmooyin katirsan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiyaanka ah waxa ay wataan gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaana askarta ay xiran yihiin Koofida Cagaaran ee Howlgalka Midowga Afrika, sidoo kale waxaa Gawaarida ugu buufsan Sumadda iyo magaca AMISOM.

Askartaan Itoobiyaanka ah waxa ay dhawaan kasoo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay jareen isgaarsiinta Degmada Luuq kahor inta aysan baneen saldhigyadii sida KMG ahaa ay dhawaan u sameysteen.

Ciidamada Dowladda waxa ay iyanna wataan Gaadiidka dagaalka gaar ahaan nuuca Soomaalida ay u taqaan Cabdi Bilaha, waxaana saraakiil katirsan Dowladda ay Awdinle u sheegeen u jeedka ciidankaas uu yahay gacan ku dhigista Gobolka Jubada Dhexe.

Warar Sugan Kala Soco  Awdinle.com