Xildhibaan Fiqi  oo su’aalo ka keenay qaabkii NISA ay u martay eedeyntii Wariye Harun Macruf

3 April,  2020 (Awdinle Online)–Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi  oo ka tirsan barlamanka somaliya ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray cabsi gelinta Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee ka dhanka ah Wariyaha rug-cadaaga ee VOA Harun Macruuf.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi   ayaa bartiisa fecebook-ga ku soo qoray in qoraalka NISA uu yahay dagaal furan oo ka dhan ah Xoriyadda Saxaafadda iyo Saxaafadda Madaxa bannaan.

‘’Warka NISA ma hanjabaad looga hortagayo barnaamijyada qiimaha leh ee amniga la xiriira ee wariye sare Haaruun Macruuf uu isku soo dubarido iyo wararka degdegta ah ee laga helo bogoga baraha bulshada uu wariyahaas ku leeyahay baa!

Haddii taas la isku eedaynayo oo ay amniga qaranka halis ku tahay, sidee laga yeelayaa habdhaqankii iyo muuqaalada YouTube-ka ku jira oo wariye TV-ga Aljazeera u shaqayn jirey uu ka soo duubayey safka hore ee dagaalka sanadihii 2009 – 2012 asagoo waraysanaya amiirada Alshabaab oo soo bandhigaya gaadiid ay ka qabsadeen dawladda iyo askar ay dileen?!

Cidna aqbali mayso waana wax sharciga dalka ka soo horjeeda in awoodda dawladda loo adeegsado dadka mihnadooda sida xirfadaysan u gudanaya! Fariinta hanjabaadda ah ee hawada loo mariyey wariye Harun Maruf igalama duwan tii xildhibaanno hawl dastuuri gudanaya lagu tilmaamay qaran-dumisnimo sanadkii 2017!

Qaran dumis iyo amniga qaranka ayuu halis ku yahay waa isku hal kalimo oo siyaabo kala duwan loogu dhawaaqay, waana hubka kalitaalisku uu ku argagixiyo isla markaana ugu cagajugleeyo dadka aan la dhacsanayn aragtidooda.’’

Warar Sugan Kala Soco  Awdinle.com