Isku shaandhayn lagu sameeyay talisyada booliska dowlad goboleedka puntlan

4 April, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com