Fahad Yaasiin oo Waardiyiisa u Magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir

April 06, 2020 (Awdinle Online) – Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Daahir ayaa maanta magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir, ka dib markii bil ka hor xilka uu ka qaaday ibraahim Macalin Cabdulaahi Baadiyow.

Fahad Yaasiin ayaa xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir u magacaabay Yaasiin Macalin Fareey oo ahaa Waardiyihiisa gaarka ah.

Yaasiin Macalin Fareey oo ah nin dhalinyaro ayaa horay ula soo shaqeeyay Madaxdii hore ee NISA soo maamushey, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Ciise Maxamed Ciise oo mudo bil  ah xilkaas hayay.

Qeybta Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa talisyadii is bedelada ku dhacay sanadihii u dambeeyay, waxaana 3 sano u dambeeyay la bedelay illaa 3 Taliye