Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka DF oo Xabsiga la dhigey

April 07, 2020 ( Awdinle Online) – agaasimaha  Guud ee  Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in xafiiskiisa ay kala baxeen ciidan booliska qeybta gobalka benaadir.

Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa waxaa xafiiskiisa ka watay ciidamo ka tirsan qeybta booliska ee gobalka.

Ilaa hadda si rasmi ah loo ogo sababta keentay xarigiisa, inkastoo ay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya inuu daba socdo xarigii loo geystay agaasimihii maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq maasuq.

Habeen ka hor ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda ay guriigiisa kala baxeyn Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buule, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.