“Ciidamada Danab waxa aan amarnay in dadka wanlaweyn dhibaatada kawada in Nolol iyo Geeri midkood kusoo qabtaan” Shuute

April 8, 2020 (Awdinle Online) –Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabak sida ee Soomaaliya,iyaga oo halkaasi u tegay wax ka qabashada dilalkii aanooyinka qabiil la xiriirey ee ka dhacay degmadaas.

Magaalada waxaa ka dhacay kulan dhexmarey Odayaasha Dhaqanka degmada walanweyn iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada,iyada oo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada sheegeen in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacdey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiisha Ciidanka DANAB ay amar u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan dadkii ka dambeeyey dhibaatadii iyo dilalkii ka dhacay degmada Walanweyn.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa Odoyaasha iyo maleeshiyada labada Beel uga digay colaadda ka dhex jirta, waxaana uu sheegay in aysan dan uga jirin deegaankooda.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dilal la xiriirey aanooyin qabiil,iyada oo ay dhaceen dhacdooyin argagax leh oo ay kamid ahaayeen in qof la gowraco ama qof inta la dilo,kadibna meydkiisa la gubo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaal beeleedyo aad u qaraar waxa uu degmada wanlaweyn ku dhexmarayay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega waxaana dagaalkasi uu sababay in dad masaakiin ah la gubo, hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com