Dhageyso :-Degmada Baydhabo Oo Saaka Lagu Gubay Qaad

April 11, 2020 (Awdinle Online) –Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baydhabo, ee gobolka baay, ayaa saaka meel fagaare ah ku gubay qaad si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyay magalada.

Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa magaaladda Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole., oo kamid ah Guddiga ka hortagga Xanuunka  COVID-19 ee Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka uga digayaan in ay jabiyaan amarka dowladdu soo rogtay oo ah in qaad la keeni karin deeganada .

Qaadkan ayaa lagu soo qabtay mid kamid ah baraha laga soo galo degmada, xilli Saraakiisha lagu amray in ay ka hortagaan qof alala qofkii jabiya amarka dowlada

Isagoo sii hadlaya ayaa sheegaya in  ciddii lagu helo iyadoo qaad soo gelinayo degmada Baydhabo tallaabo laga qaadi doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duuliyaadyadii dibadda ka imaan jirey sidoo kale waxaa ay dowladdu mamnuucday qaadkii dalka maalin kasta imaan jiray iyadoo arrintaas loogu gol leeyahay ka hor taga cudurka COVID-19 oo caalamka si weyn u saameeyay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com