Nuur Xasan Xuseen, Nuur –Cadde: Booliis, Samafale, Siyaasi iyo Diblomaasi

April 11, 2020 (Awdinle Online) –Nuur Xasan Xuseen, Nuur –Cadde, wuxuu ahaa nin muddo ka badan nus qarni u shaqeeyay Dowladda Soomaaliya, jagooyinka dalka ugu sarreeyana ka gaaray.

Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa booliiska Soomaaliya. Wuxuu ka qabtay xilal kala duwan. Darajo wuxuu ka gaaray Gaashaanle Sare.

Wuxuu ahaa sharci yaqaan wuxuuna ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka.

Nuur waxay dadku inta badan ku yaqaanneen Booliiska iyo xilka Ra’iisal Wasaare laakiin xaggeyga shaqada qalbigeyga u dhow ee uu qabtay waa howsha samafalka ee Bisha Cas.\

Waxaa u sabab ahaa dagaallo qabiil, kuwo siyaasadeed iyo amni darro baahday oo ay ka faa’iideysteen burcad – dhac iyo boob-doon ah oo agabka hey’adaha Dowladda, kan samafalka iyo hantida gaarka loo leeyahay aan midna u aabba yeeleyn. Si ay taas u gaaraanna aan ka waabaneyn in ay naf Aadane gooyaan.Nuur wuxuu markii hore ka tirsanaa Guddiyada Bisha Cas oo mar mar uun fadhi isugu yimaada korna kala socda Howlaha Bisha Cas. Markii 1991 ay Dowladdii Soomaaliya burburtay ayaa waxaa dagaalku saameeyay Guddoomiyaha Bisha Cas, Dr. Axmed Food-Cadde, oo inkasta oo uu isku dayay in uu ku shaqeeyo Bisha Cas xarunteeda Muqdisho ay ku adkaatay in howshu ay hagaag u socoto.

Guddoomiye Dr. Food Cadde, Allah ha u naxariistee, wuxuu u wareegay Nairobi halkaas oo uu ka sii waday howsha Bisha Cas.

Xarunta Muqdisho waxaa u istaagay Nuur – Cadde oo noqday Xoghayaha Guud ee Bisha Cas. Isaga oo aqoonsan lana shaqeynaya Dr. Food – Cadde.

Wuxuu noqday Xogahayaha Guud ee Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed.

Nuur – Cadde, isaga oo kaashanaya Guddoomiye Food – Cadde, wuxuu noqday ninka suurta geliyay in dagaalkii iyo jahawareerkii ka taagnaa caasimadda aan Bisha Cas ku burburin, kuna dhex milmin siyaasadda qabiileysan ee berigaas taagnayd.

Bisha Cas oo xilliga loogu baahi badan yahay ay tahay xilliga colaadaha iyo xilliga masiibooyinka ay abaaraha iyo cudurrada saf marka ahi ka mid yihiin, waxay ku guuleysatay in aan marnaba albaabbada loo laabin.

In aanay marnaba ka qixin Xamar, marnaba ka maqnaan goobaha looga baahan yahay.  Xataa markii ay Muqdisho iyo Kismaayo colaaddu ay ka dhexeysay iyo markii ay Muqdisho laba u qeybsantay, waxaa Bisha Cas u suurta gashay in ay dhinacyada oo dhan ay ka howlgasho.

Goobaha ugu daran dagaalka waxaa ka mid ahaa Muqdisho oo Nuur – Cadde uu fadhiyo, Xamar labada dhinac ee markaa uu dagaalku u qeybiyayna ku leh laba wakiil.

Magaalooyinka kale ee dagaalka xooggani ka dhacay waxay ahaayeen Kismaayo oo Axmed – Goobbo uu joogay iyo Baydhowa, oo dagaalka ay macluul maalintii boqol ruux dishaa ay u dheereyd 1992. Xuseen Daahir ayaa ka howlgalayay oo ahaa mas’uulkii Bisha Cas ee Baydhowa burburka ka hor iyo ka dib labadaba.

Waxay wada shaqeyn dhow oo xagga samafalka ah ay lahaayeen rag uu horseed u yahay Cali Jirde.Nuur – Cadde oo la shaqeynaya Guddoomiyihiisa Dr. Food Cadde, waxay labada mas’uul ku guuleysteen in iyada oo ku howlgaleysa magaca Bisha Case ee Somaliland uu ururku howlo samafal ka fuliyo Somaliland, iyada oo Bisha Cas ee Soomaaliyeedna ay raalli ka tahay. Kulammada caalamkana farriin ay isla og yihiin ayay ka jeedinayeen maaddaama ay howshu tahay samafal ka fog siyaasad.

Taasi waxay suurta galisay in hey’ado kale oo badan oo samafal ah ay ku dhiirradaan in ay dalka si xoog leh uga shaqeeyaan xilliyadii colaadda iyo abaaraha.

Waxaa si gaar ah loo xusi karaa kaalintii Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, oo miisaaniyaddiisa caalamiga ah barkeed ku bixiyay Soomaaliya.  Howlgalka wuxuu la kaashaneya Bisha Case ee Soomaaliyeed oo ay bahwadaag yihiin, kana wada tirsan yihiin Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Bisha iyo Laanqeyrta Cas.

Caalamku wuxuu qiray howsha adag ee samafalka ah ee Bisha Cas ay ka qabatay dalka xilli aad u adag. Sawirka waxaad ku arkeysaa Boqoradda, Elizabeth, oo Qasrigeeda London abaalmarin ku Guddoonsiineysa Guddoomiyaha Bisha Case ee Soomaaliyeed, Dr. Food – Cadde.

Waxay ahayd xilli aad u adag, xasaasina ah. Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa dagaal qaraar kula jiray ciidammadii Maxaakiimta.Iyada oo sida aan maqlay ay soo jeedintiisa gacan weyn ku leeyihiin saaxiibbadiisii Bisha Cas, Dr. Food – Cadde iyo General Cabdinuur Yusuf, ayaa November 2007 Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen, Nuur – Cadde.

Baarlamaanka Soomaaliya laba ayuu u kala jabay oo qaar Badan oo Guddoomiyaha Baarlamaanku uu hoggaaminayo ayaa Dowladda ku diiday siyaasaddeeda. Xildhibaannada mucaaraday gacansaarka ciidanka Ethiopia iyo Dowladda Federaalku dalka ayay ka baxeen oo waxay xarun ka dhigteen Asmara oo markaas ay cadaw isku ahaayeen Ethiopianka.

Dhammaantood waxaa Guddoomiye u noqday Shiikh Shariif oo markaa ka hor ahaa Madaxa fulinta ee magaca Maxaakiimta Shareecada ku dagaallamayay.

Qax fara badan ayaa shacabka ku dhacay siida dadweynaha Muqdisho.

Inksta oo markii hore uu dhisay Xukuumad fara badan, haddana Nuur – Cadde wuxuu hirgeliyay Xukuumad 18 Wasaaradood ah.

Nuur wuxuu dhexda u galay siyaasado Soomaaliyeed oo is diiddan iyo kuwa caalamka oo iyaga qudhoodu aan meel u wada socon.

Xilliyada qaar wuxuu dadka qaar ugu muuqday Hoggaamiye isku dayaya in uu qanciyo dhinacyada oo dhan, taas oo xilligaas aan sinnaba suurta gal u ahayn.

Intii aan baaritaanka qoraalkaan ku jiray, il iga xog ogaalsan waxay ii sheegtay in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu uu ka billowday dhismaha Xukuumadda. Xilligii ugu adkaa wuxuu ahaa markii khilaaf aan qarsoodi ahayni soo dhex galay Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen.

Waa sida beri dambe ka dhex dhici doonta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh.

Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde iyaga khilaafkooda muddo ka dib ayuu dibadda u soo baxay.

Labada mas’uulba waxay bixiyeen wareysiyo uu mid waliba dadweynaha ugu fasirayo mowqifkiisa iyo waxyaabaha aanuu aqbali karin ee ka hor yimid.

Wareysiyadaas in aan dhammaantood dhegeystay, qaar badan oo ka mid ahna aan anigu labada mas’uul gooni gooni uga qaaday, waxaa ii dheeraa kulammo aan isu geyntooda kula yeeshay mgaalooyin ay ka yihiin London, Nairobi, Hague iyo Lisbon.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, dhowr jeer oo hore ayuu iiga warramay khilaafkii kala dhexeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, markii ugu horreysay ee aan afkiisa toos uga maqlo waxay ahayd mar uu Madaxweynuhu caafimaad u yimid London. Waxay ahayd xilli uu i dhaliilsanaa igana diiday wareysi. Ka dib markii aan aad isugu dayay, inta aanuu ka amba bixin London ayay ii suurta gashay in aan la kulmo, iska maslaxo, is fahamno, welibana aan gooni u wada casheeyno. Wuxuu ii yara taabtay khilaafka isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Inta uu Madaxweynuhu ii sheegay waxaa iiga sii muhiimsanaa waxa iiga baxay marka aniga oo la fadhiya ay telefoonka ku wada hadleen Nuur – Cadde. Arrin caafimaad ayuu usaguna u yimid London. Maalin ama laba ayuu joogay. Laakiin wadahadalkooda aan maqlay hal dhinac waxaan ka fahmay in aanay weli is arag.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, rag hadda nool oo Baarlamaanka ku jiray aadna ugu dhowaa ayaan sheeko wadaag ahayn oo meesha ay wax marayaan iyo rajada is fahamku hadba inta ay gaarsiisan tahay aan joogto u kala warqaadan jirnay. Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Cirro. Saaxiibkeey Cabdirashiid Seed Qoor iyo rag kale iyagana xog iyo gacanba waan ka heli jiray.

Nuur – Cadde isaguna wuxuu marar badan wareysiyo ugu fasiray shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga wax ugu muuqdeen. Wuxuu ugu yaraan laba jeer aqbalay in si toos ay dhegeystayaasha BBC su’aalo u weydiiyaan isaguna uu uga jawaabo. Mar waxay ahayd khadka telefoonka, marna waxay ahayd su’aalo ay fool-ka-fool u weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands oo isugu soo baxay magaalada Hague.

Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku dooday in aan ciidanka galabtaas dhacay Bakaaruhu aanay ku shaqeyneyn amarka Dowladda. Waxaan kula dooday in muwaaddinka la dhacay aanay macna u sameyneyn in askariga dhacaya la soo amray iyo in kale. Sidaa darteed waxaan Ra’iisal Wasaaraha weydiiyay waxa looga qanci karo oo uu dadka la dhacay iyo Soomaali oo dhan uu u sheegi karo.Waxaa kale oo aan xusuustaa wareysigii ugu adkaa ee aan la yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde, lagana yaabo in uu ahaa kii ugu adkaa ee laga qaaday inta uu xilka hayay. Dhowr jeer ayaa ciidan magaca Dowladda sita lagu eedeeyay in uu bililiqeystay suuqa Bakaaraha. Galab ay Bakaaraha bililiqo ka dhacday ayaan Caawa iyo Caalamka  wareysi kula yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde oo hore u ballanqaaday in uu wax ka qabanayo xadgudubka ciidanka Dowladda ee soo noqnoqday.

Nuur-Cadde wuxuu ballanqaaday in aanay mar dambe dhici doonin isaga oo xilka haya. Waxaan filayaa in ay ahayd markii ugu dambeysay oo uu weerar noocaas ahi ka dhaco Suuqa Bakaaraka.

Dhanka Madaxweynaha marka laga reebo inta uu isagu si rasmi ah u shaaciyay, waxaan khilaafka si hoose ugala socday rag ay ka mid yihiin Xildhibaanno Baarlamaanka ah oo isaga ku dhowdhow.

Dhanka Ra’iisal Wasaaraha inta uu toos iigu sheegay waxaa ii wehliyay inta aan ka helo mas’uuliyiinta Xukuumadda ee isaga la safnaa oo uu ka mid yahay Ku Xigeenkiisii, Wasiir Axmed Cabdisalaan.

Waxaan u haystaa in khilaafka labada mas’uul uu salka ku hayay go’aan ay qaadatay waxa dadka qaar ugu yeero beesha Caalamka oo ay ku jirto Dowladda Ethiopia oo Ciidankeeda la’aanteed aan Dowladdu cagaheeda isku taagi karin.

Go’aankaasi wuxuu ahaa in la joojiyo dagaalka qaraar ee lagu hoobtay ee ka socday caasimadda iyo degaanno kale oo Koofurta ah. Iyo in marka taas lagu guuleysto ay ciidammada Ethiopia ka baxaan Soomaaliya, ciidammada keliya ee shisheeye ee la ogyahay ee dalka joogayaana ay ahaadaan kuwa AMISOM.

Waxaa kale oo go’aanka ka mid ahayd in ay Dowladdu beddesho siyaasaddeeda, heshiis la gasho mucaaradka, wadajirna ay ugu soo dhowaadaan shacabka.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu saameeyay Xukuumadda oo ku kala jabtay, ka dib markii Wasiirrada intooda badani ay is casileen iyaga oo eedeynaya Ra’iisal Wasaaraha.

Ma doonayo in aan ku sii talaxtago faallada hoose ee khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee ugu darnayd 2008.

Markii ay arrintu cakirantay, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu iskiis u goostay in uu is casilo, taas oo ahayd ballanqaad uu hore u sameeyay markii uu xilka qabtay.

Labada mas’uulba waxay ahaayeen akhyaar muddo dheer dalka u soo shaqeeyay, weliba xagga ciidanka militeri iyo booliis kala ahaa, Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare soo noqday. Labadaba Allah ha u naxariisto.

Waxay labada dhinac isku af garteen in xabbadda la joojiyo iyo in 275-ta kursi ee Baarlamaanka in la eg lagu daro. Xildhibaannada fariisanayana ay muqaawamadu magacawdaan . Ka dibna la qabto doorasho Madaxweyne.Wadahadallo billowday intii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf xilka hayay, ayaa ka socday Djibouti markii uu Madaxweynuhu is casilay. Wadahadlku wuxuu u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee dagaallamaya oo ay matalayeen Madaxda Siyaasadeed ee muqaawamada oo xaruntoodu ay tahay Asmara.

Heshiiska Djibouti waxaa dhinaca Dowladda u Saxiixay Axmed Cabdisalaan oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Warfaafinta. Dhinaca Mucaaradka waxaa u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ku Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Dhexe.

Nuur-Cadde taageero kama haysan muqaawamada soo buuxisay Baarlamaanka, sidoo kale taageere kama haysan taageerayaasha Cabdullaahi Yusuf ee Baarlamaanka hore u fadhiyay. Sidaa darteed,  waxaa guuleystay Shariif Shiikh Axmed oo Jannaayo 2009 loo doortay Madaxweyne. Iyada oo murashaxa ku soo xigaana uu noqday General Maslax Maxamed Siyaad.Nuur Xasan Xuseen oo taageero ka haysta siyaasiyiin iyo dhinacyo beesha caalamka ah, wuxuu u tartamay Madaxweyne.

Mudane Nuur – Cadde, kama caroon ee wuu la shaqeeyay Madaxweynaha cusub, Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu magacaabay, Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke.

Nuur – Cadde waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma iyo xarunta Midowga Yurub, Brussels.

Nuur Xasan – Xuseen, Nuur-Cadde wuxuu ahaa mas’uul aad u xushmad iyo qaddarin badan. Yar iyo weyn labada qaddariya. Inta badan fadhiga ka kaca marka uu qof gacan qaadayo, adeegsadan labada calaacalood.

Wuxuu ahaa waaya arag af gaaban. Marka uu damcana sheekeeya. Ilbax ayuu ahaa, furfuran, maskaxna furan. Nolol quruxoon ayuu qaatay.

Nuur-Cadde waxaa dilay Covid-19, isaga iyo tobannaan Soomaali ah oo inta badan Yurub ku geeriyooaday. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. Inta taagtu tahay, ha laga feejignaado Coronavirus oo isagu keena cudurka.

W/Q Yusuf Garaad

AFEEF:  Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Awdinle Online. Awdinle Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.