Taliyaha Laanta Socdaalka Garoonka Galkacyo ee Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

April 11, 2020 (Awdinle Online) – Cismaan Xuseen Xaaji oo loo yaqaaney Cumar Fareey, ahaa madaxii laanta socdaalka ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa caawo fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Koox hubaysan ayaa Cumar Fareey ku dishay xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii cishaha.

Amaanka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa siixumaanaya, iyadoo mudo asbuuc ka hor halkaas lagu dilay xidlhibaan ka tirsanaa golaha degaanka degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale maalmo ka hor waxaa lagu dhaawacay sarkaal isna ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, ka dib markii gaarigiisa qarax logu xiray, dhaawac culusna uu kasoo gaaray.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo soo gaaro maalmaha soo socda.

Ururka Alshabab ayaa horey u sheegtay dhammaan masuuliyiintii Puntland ee lagu dilay magaalada Gaalkacyo ay ayagu dileen