Talooyin Caafimaad Oo La Xariirta Faafitaanka Covid-19 Oo Diray Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

April 14, 2020 (Awdinle Online) –Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay walwal badan ka qabaan faafitaanka Xanuunka  COVID19 ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maalmihii ugu danbeeyay oo ay soo bateen bukaanada laga helay xanuunka.

Urururka Dhqaatiirta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in dadka laga helay Xanuunka dilaaga ah ay ka mid yihiin “shaqaalaha wasaarada caafimadka” taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo oo aduunka ku dilay in kabada 119,500 oo ruux.

“In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan”ayay ku taliyeen Dhaqaatiirta.

Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u soo jeediyay “in lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 ayna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba”.

Halkaan ka aqri Talooyinka Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu walwal badan ka muujinayaa xaalada cudurka COVID19 ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan maalmihii ugu danbeeyay oo ey soo bateen bukaanada laga
helay xanuunka eyna kana mid noqdeen shaqaalaha wasaarada caafimadka, sidoo kalena ee
bukaanadii ugu horeeyay ee u dhinteen Xanuunka ayna Wasaarada Caafimadka Soomaaliya ku
dhawaaqday in ay billaabatay in xanuunku ku faafay Bulshada Dhexdeed ( Community
Transmission) taa oo ey ka dhalan karto in ay aad u bataan bukaanada uu soo ridanayo xanuunka
COVID-19 maalmaaha soo socdo. Sidaas darted ururka dhkhaatiirta somaliyeed waxuu u soo
jeedinayaa dhamaan Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha, Raiswasaaraha, Wasiirka Caafimadka
Soomaaliya iyo qof walba oo qeyb ka ah howlaha looga hortagayo Xanuunka COVID-19
talooyinka soo socda:

1. In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax
yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga
maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan. Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu ku taageero Aqoon, Farsamo ,Hogaamin,iyo wixii kale loo baahanyahay

2. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u soo jeedinayaa, maadaama uu
bilawday in uu xanuunku ku faafo bulshada dhexdeeda bukaanada uu soo ridanayana ay aad u
badan doonaan sida la filayo ayna adkaan doonto in hal isbitaal lagu daweeyo in dhamaan
isbitaalada leh adeega Oxygenka iyo ICU ga ( Centralized Oxygen and ICU) in laga dhigo
Xarumaha sida gaarka ah loogu daaweeyo Xanuunka COVID-19.

Xarumahaas waxaa ka mid ah Isbitaalada ( Ex-Digfer Hospital, Yerdemeli Hospital, Ex-Deva Hospital, Sheikh-Zayid
Hospital).

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato ka
shaqeysiinta, Hagida iyo la socodka dhamaan howlaha isbitaaladaa ee qabanayaan.

3. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u sheegaya in ay dayacan yihiin Shaqaalihi Caafimaadka Dalka kuwa ka shaqeeya isbitaalada dawladda iyo isbitaalada gaarka looleeyahayba ayna qatarta ugu badan ugu jiran in uu ku dhaco xanuunka maadaama ay taagan yihiin aaga hore la dagaalanka Xanuunka COVID-19 ayna xarumahaas imaanayaan bukaano badan oo leh calaamadaha xanuunka.

Ururka dhakhaatiirta somaliyeed wuxuu ku talinayaa in loo helo qalabka ay xirfadleyda caafimaadku isaga ilaaliyaan COVID-19 sida PPE, N95 Facemask. Haddii qalabkaas la waayo waxaa dhaceyso in shaqaalaha caafimadku Qatar galaan
ama shaqadi ay bulshada u hayeen adkaaneyso in ey sii wadaan.

4. Culays ayaa ka jira soo referr garaynta bukaanada looga shakiyay xanuun ka Covid-19 ee lagu arko xarumaha caafimaadka, sida ka jawaabista taleefonada xarunta soo wicidda si fudud u
helidda Ambulance qaadda bukaanka sidaa si lamida in lakordhiyo xarumaha baaritaanka
cudurka.

Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed wuxuu soo jedinayaa in la xoojiyo wadashaqaynta
xarumaha lagula tacaalayo COVID-19 iyo Isbitaalada laga soo diro bukaanada.

5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 eyna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba.
Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo halista Cudurka COVID-19

Dhamaad

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com