Dadka soo ritay Corona Virus ee Caalamka oo kor u dhaaftay 2 Milyan

Dadka uu soo ritay Cudurka Corona Virus ee Caalamka ayaa kor u dhaaftay 2 Milyan ee ruux sidda ay ku warameen Jaamacaddaha kor kala socda Cudurka Corona Virus.

Qiyaastii 2,004,383 oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus.

Sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins, In kabadan 126,500 ayaa dhintey, halka ku dhawaad ​​486,500 ay soo kabsadeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jaraya dhaqaallaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee ku saabsan wax ka qabashada masiibada. Mareykanka ayaa ah kaaliyaha ugu weyn ee miisaaniyadda WHO.

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxay leedahay dhaqaalaha adduunka waxaa la rajeynayaa inuu hoos u dhaco 3 boqolkiiba sannadkan.