Madaxweyne Lafta gareen oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

April 15, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Cafis u fidiyey Maxaabiis Xukuno kala Duwan ugu Jirey Xabsiga Degmada Baydhabo.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda lagu sheegay 11 ruux.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in sidda ugu dhaqsiyaha badan xabsiga laga siidaayo dadkaasi.

Magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed kuma jiraan meelaha dadka cafiska loo fidiyay waa Magaalada Baydhabo oo kaliyah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com