Mareykanka Oo Hakinayo Dhaqaalihii Uu Siin jiray Hey’adda WHO

April 14, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu hakinayo dhaqaalaha la siiyo Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, isagoo faray maamulkiisa inuu hakiyo dhaqaalahaas.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay WHO inay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aas aasiga ah, gaar ahaan jawaabta ay ka bixisay faafitaanka Coronavirus.

Sidoo kale Trump ayaa ku eedeeyay inay si xun u maareysay, isla markaana qarisay faafitaanka Coronavirus, kaddib markii uu cudurkan ka dilaacay dalka Shiinaha.

Waxaa uu xusay inay qasab tahay in lala xisaabtamo WHO, waxaana uu xusay inay u xaglineyso Shiinaha.

Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’adda WHO, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu siiyay 400 oo milyan oo doolar, taasoo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com