Xasan Sheekh Maxamud “ Farmaajo waxaa uu mar walba Umadda Soomaaliyeed u muujiyaa kali-talisnimo”

April 15, 2020 (Awdinle Online) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Xariga Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, oo shalay lagu xiray saldhigga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban oo ku qornaa Afka English-ka uu soo dhigay bogga lagu gudbiyo fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka waxaana uu ku yiri ”cabsi gelinta iyo xariga saxafiyiinta ka dhanka ah si loo aamusiyo, maaha mid caawineysa hir-gelinta dimuquraadiyadda dalkeenna Soomaaliya, xariga Weriye Cabdicasiis Gurbiye waa sameynta  calaamad muujineysa astaan dhaqan keli-talisnimo”.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa farriintiisa waxey ku biireysaa baaqyada lagu taageerayo in Weriye Gurbiye lagu siiyo xoriyaddiisa, isagoo maalintii labaad ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Horay ayaa waxaa shalay baaqyo qoraal ah u diray saxafiyiinta, siyaasiyiin caan ah, aqoonyahanno, xildhibaanno ka tirsan dowladda, kuwaas oo dhammaan ka codsaday dowladda Soomaaliya in xoriyaddiisa loosoo celiyo suxufigaasi xiran.