BANDOWGII AY SOO ROGTAY PUNLAND OO CADDAALAD DARRO KA JIRTA

April 16, 2020 (Awdinle Online) –Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay  in dadka hantida haysta iyo goobaha ganacsiga ee caanka ah aysan u hoggaansamin awaamiirta dowladda ee la xiriirta Covid-19.

Wasiir Cabdiwali Mire oo maanta oo Khamiis ah hadal ka jeediyey munaasabad ay xilka kula wareegayeen maamulka cusub ee gobolka Nugaal ayaa ka dhawaajiyey in goobaha caanka ah ay furan yihiin habeenkii, halka dad danyarta ah ee aad u dhiban ay sharciga u hoggaasamaan, taasina ay tahay caddaalad darro weyn.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in awaamiirtii Puntland ka soo saartay Qaadka ay jabiyeen ciidamada, oo uu sheegay in ay shacabka ka qaadaan, kadib ay isticmaanlaan.

Bandowga habeenkii ee Puntland oo hadda socday muddo labo todobaad ah, labo todobaad oo kalana lagu daray ayaa saameeyey danyarta iyo goobaha ganacsiga ee yaryar, halka dad wax haysta iyo goobaha ganacsiga ee caan ah uusan saameyn.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com