Axmed Madoobe oo raadinaya qorshe kale oo aan ahayn dagaal si uu ula heshiiyo mucaaradkiisa

April 18, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka quustay inuu qabsado degmooyinka ay dowladda federaalka Soomaaliya kaga sugan tahay gobolka Gedo ee dhawaan laga saaray ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Ciidankii Jubbaland ee isku uruursanayey qaybo kamid ah magaalada Mandheera ayaa kala firxaday, kuwaas oo daacad u ahaa wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Wasiir Janan ayaa hada ku sugan magaalada Nairobi oo uu ku dajinayo naqshad dagaal oo ay mar kale dib ugu laaban karaan degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo oo ay hada ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee Haramcad iyo Gor Gor.

Axmed Madoobe ayaa raadinaya qorshe kale oo aan ahayn dagaal oo uu kula heshiin karo mucaaradkiisa, wuxuuna Nairobi kula kulansan yahay mucaaradka ugu waa weyn Jubbaland ee sheegtay inay yihiin madaxweynayaal.

Kulamada Nairobi ayaa ku dhow in la isku fahmo, waxaana dhawaan la filayaa inay soo saaraan war murtiyeed ku qotoma waxyaabaha lagu heshiiyey hadii laysku af garto kulamadani.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com