Dhimasho iyo dhaawac uu gaystay guri dhismo ka socday oo soo dumay

April 18, 2020 (Awdinle Online) –Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kadib markii uu ku dumay guri ay doonayeen in ay bur-buriyaan kadibna dhismo lagu sameeyo.

Dhacdadaan waxa ay ka dhacday Degmada Hodan gaar ahaan Isgoyska Banaadir, waxaana dadka waxyeeladu gaartay ay dhammaan yihiin shaqaalihii ku howlanaa duminta Guriga.

Dadka xaafadda ayaa u gurmaday, waxaana goobta tagay Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta oo goobta ka qaaday dadkii waxyeeladu gaartay sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhismaha Guriga ku dumay shaqaalaha waxa uu ahaa mid waqti dheer dhisnaa, waxaana dadka isla leh ay doonayeen in ay dumiyaan si dhismo cusub ay halkaa uga hirgeliyaan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com