Geeridii Xildhibaan Jamhuuriya oo Dowladda Soomaaliya Ka Hadashay

April 18, 2020 (Awdinle Online) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye ku-xigeenada Golaha, Wasiirka Warfaafinta dowladda ayaa ka hadlay geerida Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Aadan Jamhuuriya) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum (Aadan Jamhuuriya) oo habeenkii xalay ku geeriyooday Isbitaalka Kalkaar ee Muqdisho.

Sidoo kale Dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo siyaasiyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Aadan Jamhuuriya), wuxuuna kamid ahaa Guddiga Maaliyada Golaha.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Jamhuuriyo uu maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka Sonkorta, iyadoo ugu dambeyn xalay uu u geeriyooday Cudurkaas.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com