Dalka Turkiga oo ku xayiran Soomaali farabadan

Dalka Turkiga waxaa ku xayiran boqollaal Soomaali ah oo halkaasi dano kala duwan u tagey wax yar kahor intii aanay dunidu u kala xirxirmin xanuunka Coronavirus dartiis.

Dadkaasi oo sheegay in ay sii joogista Turkiga dhibaato xooggan ku qabaan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbanaya in ay dalkooda dib ugu celiso.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Turkiga Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in dadka ku xayiran dalkaas ay tiro ahaan gaaraya 200 ilaa 300 oo Ruux,kuwaas oo badankood ku nool Magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul.

Waxaa uu sheegay inay socdaal dadaalo farabadan oo ku aadan in dadkaasi dib loogu celiyo dadkooda sidaas daraadeedna ay la xiriireen Guddiga Qaran ee ka hortaraga COVID19.