Ciqaabta karbaashka oo boqortooyada Sacuudiga joojineysa

April 25, 2020 (Awdinle Online) –Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saareyso ciqaabta karbaashka sida laga soo xigtay dukumiinti sharci ah oo ay heleen warbaahinta.

Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegeysa in karbaashka lagu baddali doono xabsi ama ganaax.

Dukumiintiga ayaa waxaa ku qoran in tallaabadani ay ka mid tahay isbadallada xuquuda aadanaha ee ay keeneen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay xiridda dadka ka soo horjeeda iyo dilkii loo geystay weriye Jamal Khashoggi.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay nambar kow ka tahay dunida marka ay timaaddo tacaddiyada ka dhanka ah xuquul insaanka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com