Digniin loo diray Isbitaalka gaarka loo leeyahay.

April 27, 2020 (Awdinle Online) –Wasaaradda Caafimaadka Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa ugu digtay Isbitaalada gaarka loo leeyahay in Xarumohooda ay ku sii haayaan dadka leh astaamaha Xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan dad la ildaran Xanuunka Coronavirus oo lagu haayo istibaalka Martiini oo ay Maamusho Dowlada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in isbitaalada looga baahanyahay in xili hore ay soo gudbiyaan dadka leh astaamaha si loola tacaalo xaladuuda Caafimaad.

Waxa ay sheegtay Wasaaradda in Dhaqaatiirtu ku wargaliyeen in dadkaan xaaladooda Caafomaad lala tacaali karay hadii la soo gaarsiin lahaa xili hore sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Image may contain: text that says 'DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay COVID19 isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan Isbitaal Martiini marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas sababta la badbaadi waayo bukkaano badan dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in bad baadin karay haddii xilli hore la soo gudbin lahaa, sidaas darteed dhammaan Isbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka #Covid19 ay ku hayaan isbitaalladoda. Waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada isla marka arkaan astaamaha caabuqan. Wasaaradda Caafimaadka'

Wasaaradda Caafimaadka Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay 9 qof Xanuunka Coronavirus ugu geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

9-ka qof ee 24 saac ee la soo dhaafay Magaaladda Muqdisho ugu geeriyootay Xanuunka Covid-19 ayaa noqonaya tiradii ugu badneed ee halmara Soomaaliya ugu geeriyooda Xanuunka Coronavirus.

Tirada dhimashada Covid-19 ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 32 qof sida ku cad warbixinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com