Xog: Shaqo joojin lugu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

April 27, 2020 (Awdinle Online) –Sida ay  inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo, Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, kadib markii 21-kii bishaan uu shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed.

Shaqo joojinta Muuse ayaa dabasocotay kadib muran muddo soo taxnaa oo u dhaxeeyay labada Guddoomiye kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira maamulka maxkamadda iyo socodsiinta dacwooyinka ku saabsan hantida ma guurtada ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed

Muranka labada guddoomiye waxa uu gaaray Madaxweynaha Dowladda DFS Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, waxaana uu shaqo joojin isna ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Inkasta oo aan weli la dhisin guddiga adeegga garsoorka dalka, waxaana dhowr jeer soo noq-noqday is qab-qabsiga hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo ugu yaraan faragelin lahayd Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa kolkii shaqa joojinta uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu howsha Muuse Macalin uu sii wado Cabdisalaan Macalin Cabdi Guure, guddoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadaag.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com