Senator Amiin “Hab-Dhaqanka Agaasimaha NISA waa xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah”

April 28, 2020 (Awdinle Online) – Senator Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka sare ayaa sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka uu ka socdo xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Senator Amiin ku sheegay in tan iyo markii Hoggaanka NISA uu qabtay Fahad Yaasiin ay xadgudubyadaas bilowdeen.

“Waxaan dhowaanahan soo baxayay xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah, oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka qaarkood gaar ahaan Hay’ada nabadasugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA xiliyadaan dambe, gaar ahaan markii uu qabtay hoggaanka hay’adaasi Fahad Yaasiin” ayuu yiri Senator MaxamedAmiin.

Waxaa uu xusay in markii hore jiritaanka Hey’adda Nabadsugida asal ahaan aan lagu dhisin sifo sharxi ah, baarlamaan ansixiyayna aanu jirin markii la aas aasqyat xilligii dowladdii Milateriga aheyd.

Senatarka ayaa sheegay in falalka isugu jira ruqseynta, shaqo ka eryida aan loo marin sifo sharci ah,  sidoo kalena qorista ciidanka dharcad oo cusub laga qaadanayay dad gaar ah, lagana ilaalinayo kuwa kale, taasoo abuuri karta buu yiri Mustaqbalka caqabado waa weyn.

“Waxaa ka digeynaa ku tagri falka awooddeedkaas ha ahaado caga jugleyn ama ruqseyn saraakiisha loo arkay in ay la jaan qaadi waayeen aragtiyada qaar guracan ee madaxdooda”ayuu yiri.

Ugu dambeyn Senator Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheega6 in wixii cawaaqib xumo ee arrimahan ka yimaada yu mas’uuliyadeeda qaadi doona dadka sida tooska ah mas’uulka uga ah iyo Madaxweynaha dalka oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida.