Beesha Caalamka oo si Buuxda u Taageertay Heshiiska ay gaareen Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig

April 29, 2020 (Awdinle Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyzey wada-hadaladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland ay gaareen iyo heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April.

Heshiiskan oo ay garwadeen ka ahaayeen siuaasiyiin Soomaaliyeed, Maamulka Puntland iyo dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegan jirey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.”

Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileyda siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara.

Sidoo kale waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda.

“Beesha caalamka waxay ugu baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweeneyso hindisooyinka kale ee dib u heshiisiineed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee l”oogu gol leeyahay dhisidda maamullo loo dhan yahay oo heer gobol u mideysan.”

Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka iyo ururada kala ah: Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, UK, Mareykanka, iyo Qaramadda Midoobey.