Augustine Mahiga Wakiilkii hore ee QM ee Somalia oo geeriyooday

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa War-Saxaafadeed uu soo saarey Maanta oo ah 1-da Bisha May waxaa uu ku xaqiijiyey in uu geeriyooday Wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalkaas Augustine Mahiga.

War-Saxaafadeedka waxaa uu ku sheegay in Augustine Mahiga uu xanuun kusoo booday,isla markaana Maanta uu ku geeriyooday Isbitaal la dhigay oo ku yaalla dalkaas.

Augustine Mahiga ayaa mar soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya inta u dhaxeysay June 2010 iyo June 2013,waxaana uu hadda ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalka Tanzania.

Goordhow la socda Taariikhda Augustine Mahiga