Coronavirus: Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Karantiil Ku Jira

Sagaal Askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) ee ku sugan Soomaaliya ayaa la karaantiilay kadib markii la xaqiijiyay in ay kulmeen askari ka tirsan AMISOM oo laga helay xanuunka Coronavirus.

Habeenimadii Arbacada, UPDF waxa ay xaqiijisay in askar ka tirsan Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga helay xanuunka isla markaana lagu daawaynayo xarun caafimaad oo ku taala magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Uganda ayaa sheegtay in kiiska la xaqiijiyay, oo ah askarigii ugu horreeyay ee calaamadaha xanuunka sida qufaca iyo hargab laga helay Ciidanka AMISOM, haatana xaaladiisu dagantahay kuwii uu lakulmayna la karaantiilayo.

Ku xigeenka Afhayeenka ciidanka Difaaca Uganda Lt Col Deo Akiiki, waxa uu sheegay in la qaadayo talaabooyin dheeraad ah oo lagu xakamaynayo xanuunka Coronavirus.

Lt Col Akiiki wuxuu sheegay in howlwadeenada AMISOM ee Soomaaliya ay ku dadaalayaan in xanuunka Coronavirus uusan ku faafin xeryaha ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Biyaha lagu dhaqo gacmaha waxaa lagu rakibay xeryaha iyo saldhigyada, hawlgalkuna horay uu u  socdaa”ayuu yiri Akiiki.

Wuxuu intaas ku daray in la joojiyo isu imaatinka nooc kasta oo ka mid ah isla markaana taliyayaasha ciidanka AMISOM la faray in ay “qasab tahay fogeynta bulshada” si looga fogaado xanuunka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaan gelisay 601 kiis oo ah COVID-19, 28 dhimasho ah iyo 31 soo kabasho ah sida ku cad xogta wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.