Mareykanka oo ugu dambeyn ku dhawaaqay daawadda ugu haboon ee loo isticmaalo Corona Virus

Dowladda Mareykanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqday daawadda ugu haboon ee loo isticmaalo Cudurka Corona Virus si loo xakameeyo.

Hay’adda maareynta cunnadda ee dawooyiinka dalka Mareykanka ee (FDA) ayaa ogolaatay in xaaladaha degdega ah loo isticmaalo daawada remdesivir oo lagu daweeyo feyriska Corona.

Daawadan ayaa waxaa horey loogu isticmaali jiray daawaynta cudurka Ebola ee horey uga dilaacay qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Tijaabo dhawaan lagu sameeyay daawadan ayaa muujinaysa in ay gacan ka gaysatay soo yareynta waqtiga uu qofka kaga bogsan karo cudurka Corona.

Balse in daawadan la ogolaado u isticmaalada xaaladaha degdega ah micnaheedu ma aha in si rasmi ah loo ansixiyay, tasasi oo u baahanan doonta qiimeyn heerkeedu sareeyo.

Khubarada ayaa waxay sidoo kale ka digeen in daawadani oo ay sameysay shirkadda Gilead aysan “saamayn badan ku lahayn” coronavirus.

Madaxa shirkadda Gilead Daniel O’Day oo kulan la qaatay madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in ogolaanshiyaha ah in daawadan la isticmaalo ay tahay tallaabadii ugu horeysay oo muhim ah.