Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya oo manta kuwada dagaalay Muqdisho

May 3, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Al-Cadaala, gaar ahaan halka loo yaqaan Gumbacoole oo ka tirsan Kaaraan ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Kaaraan iyo kuwa Militariga.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhashay muran ku saab dhul ku yaalla Degmada Kaaraan, waxaana weli halkaas ka taagan xiisad.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Awdinle Online , dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Shacab ah, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo shacab ah oo la geeyey isbitaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Xaafadda Al-Cadaala.

Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaalamay magaalada Muqdisho, ayaga oo kala taageeraya dad ku beel ah oo isku haystaan dhul ama guryo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com