Dagaallo ka dhacay Afmadow iyo Faafaahino ka soo baxaya

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalladan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro saf-ballaaran ah ku qaadeen saldhigo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuw Kenya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaallada ay socdeen in muddo ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo sidoo kale weerarada ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilabaabay halkaasi.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la gudaha bisha barakeysan ee Ramadaan sare u qaaday weerarada ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.